Shirkii Jaaliyada Digil iyo Mirifle ee Dalka Sweden oo lasoo gabagabeeyey

0
38

shir swdenMaalintii shalay 30 November 2013 , waxaa ka dhacay magaalada Örebro ee wadanka Sweden, shir ay isugu yimaadeen in ka badan 100 xubnood oo ka wakiilo ka ahaa jaaliyaddaha Digil iyo Mirifle ee wadanka sweden.

Kasoo qeybgalayasha shirka ayaa waxa ay ka kala yimaadeen magaalooyinka, Stockholm, Borås, Linköping, Begntfors, Gävle, Eskilstun, Västerås, Hälafors, Jönköping, Göteborg, Motala, Karlskoga, iyo Örebro. Waxaa kaloo shirka yimid xubno ka socday Jaaliyadda Digil Mirifle ee wadanka Ingriiska oo uu hogaaminayay malaaq Maxamed Cabdulaahi Cabdiyow (malaaq Taliyow) ayna kamid ahaayeen sheekh Ilyaas Cali Nuur, wariye Cabdullaahi Ganeey.

Go’aanadii ka soo baxay waxaa ka mid ahaa:

Dhismaha Dallad ay wadaagaan dhamaan jaaliyadaha Digil iyo Mirifle ee wadanka Sweden oo ka kooban 9 xubnood taasoo loogu magacdaray Sydvästsomaliska Riksförbund i Sverige (SRS) Dalladda Ururada Koonfurgalbeed Soomaliya ee Sweden.

Taageeridda Shirka ka socda magaalada Baydhabo ee lagu dhisayo dowladgoboleedka Koonfurgalbeed Soomaaliya, iyo in si dhaqso ah loo bilaabo dhaqaale ururin lagu kaabayo shirkaas.

Taagerida Talevision ay yeeshaan Dadka ku hadla Luqadda Maayga.

in Dallada ay ka shaqeyso isku xirka iyo horumarka dadka dega Koonfurgalbeed ee Soomaliya.

In xarunta dallada ay noqoto magaalada Örebro.

In la qabto shirweyne jaaliyadaha Digil iyo Mirifle ee dalalka Yurub.

Shirka oo socday mudo lix saacadood oo xiriir ah, waxa u ahaa shirweynihii ugu horeeyay oo ay dadka Digil iyo Mirifle oo degan wadanka sweden ay isugu yimadaaan shir noocaan o kale ah.

Xubnaha Dallada ururada Koonfur gabled Soomaaliya ee Sweden:

Dr. Omar Abdurahman (Omarey) Gudoomiye
Nimco Isaaq Mohamed Qasnaji
Salma Hassan, Revisor Hanti dhowre
Abdulkadir Abukar Sheikh Xoghaye
En Ahmed Abdullle (Qoryoley) xubin
Abiaziz Mohamed Ahmed xubin
Isaak Ali Jimace xubin
Zahra Mohamed Nuur xubin
Mukhtar Ibrahim Ali xubin

 

 

Daafeet.Com