Madaxweynaha dowlada federalka somaliya iyo wafdi uu hogaaminaayo oo maanta tegey magalada Kismaanyo

0
25

xasanMadaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, booqashadan oo noqonaysa tii ugu horreysay oo uu madaxweynuhu ku tago magaaladas.

Socdaalkan ayaa waxaa madaxweyaha ku wehlinaya xubno uu ka mid yahay wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka, Cabdikariin Xuseen Guuleed, iyadoo si weyn loogu soo dhaweeyay wafdiga madaxweynaha Kismaayo.

Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in madaxwenaha iyo wafdigiisa ay la qaadan doonaan kulammo madaxda maamulka KMG ah ee Jubba oo uu ugu horreeyo hoggaaminaya maamulkaas Sh. Axmed Maxamed Islaam (Sheekh Axmed Madoobe).

Ammaanka magaalada Kismaayo ayaa aad loo adkeeyay, iyadoo jidadka ku yaalla bartamasha magaaladaas lagu xirey sawirka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Daafeet.Com