Dowlada Sacuudiga oo somaliya ugu deeqeysa Lacag dhan 24 Million oo Dolarka Mareykanka ah

0
38

sacudiDowlada Sacuudiga ayaa balan qaaday in Soomaaliya ay ugu deeqeyso gargaar lacageed oo gaaraya $24 Million oo Dolar Mareykanka ah, taasi oo ay Sacuudiga ugu talagashay in dib u dhis loogu sameeyo Kaabiyaashii muhiimka ahaa ee burburka daashahady 22-kii sano ee u dambeysay.

Mashruucani ayaa waxaa qeyb ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka ee loo soo gaabiyo (OIC), Kaasi oo gacan weyn ka geysanaya sidii Soomaaliya dib ugu hanan laheyd heykalkeedii dowladnimo.

Gargaarkaan ayaa u jeedkiisa waxaa lagu sheegay in dib u dhis loogu sameeyo dalka bur buray Soomaaliya iyo in lagu kaalmeeyo dadka dhibaateysan ee iyagu saameynta ba’an ay ku yeesheen colaadaha iyo abaaraha Soo maray dalka.

Waxaana saraakiisha Ururka Iskaahsiga Islaamka hadalkooda intaasi raaciyeen in doorasho ay jirto oo laga xulanayo deegaanada ugu horeyn Mashruuca laga fulin doono iyo qaabka ay u kala baahi badan yihiin.

Daafeet.Com