Sheekh Muqtaar Roobow oo sheegey in Alshabab eysan lug ku laheyn Dilkii Sheekh C/qaadir Nuur

0
23

Abuu-MansuurSheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo ah ku xigeenka Hogaanka Ururka Al-Shabaab ayaa war uu Saxaafada ku faafiyay wuxuu ku sheegay inaysan ka dambayn Dilka Sheekh C/qaadir Nuur ayna Cambaareynayaan Cidii dishay sheekha Balse iyagu aysan marnaba qorsheysan in ay Dilaan Culumada Tirada yare ee ku harsan Soomaaliya uuna tacsi u dirayo eheladii iyo Qaraabadii uu ka geeriyooday Sheekha sida uu Hadalka u dhigay.

Sheekh Abuu Mansuur ayaa sheegay in sheekha ay gacan ka xaq daran dishay ayna calaamad deg deg ah kasoo ifi doonto cidii dishay sheekha taasoo muujinaysa in Al-shabaab ay iska fogeynayaan ku luglahaanshaha Dilka sheekh C/qaadir Nuur Faarax.

Madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Faroole oo la hadlay Saxaafada ayaa dusha uga tuuray Dilka sheekha in ay ka dambeeyaan Al-shabaab uuna Qirtay ninkii dilay sheekha in uu ka tirsan yahay Kooxda Al-shabaab.
Daafeet.Com