Maxkamada Gobolka Banadir oo Maanta xukuntey Wariye Koronto iyo Gabadhii sheegatey in la xoogey

0
24

KorontoMaxkamada Gobalka Banaadir ayaa maanta go’aan rasmi ah ka gaartay kiiska wariye C/casiis Cabdi Nuur Ibraahin iyo gabadha sheegtay in la kufsaday.

Garsooraha maxkamada Gobalka Banaadir ayaa ku dhawaaqay in wariye C/casiis iyo gabadha sheegtay in la kufsaday lagu xukumay min hal sano oo xariga ah.

Dacwada wariyaha ee maanta go’aanka laga gaaray ayaa dhowr mar dib ay u dhacday iyadoo ugu dambeyn maanta go’aan rasmi ah ay ka gaartay Dowladda Soomaaliya.

Wariye C/casiis ayaa lagu eedeeyay inuu sameeyay falal been abuur ah oo ciidanka Booliiska Soomaaliyeed uu ka been abuuray.

Dadkii kale ee la xirnaa wariye C/casiis oo gaaraye ilaa saddex ruux kale ayaa la siidaayay sida masuuliyiinta maxkamada ay sheegeen.

Si kastaba arintu ha ahaatee wariyeyaasha ka howl gala dalka somaliya ayaa waxaa lasoo daristey cabsi hor ah ayagoo markii hore magalada lagula beegsan jirin dilal qorsheysan ayaa hadana go,aanka maanta maxkamada gaartey waxey carqalad ku noqon doontaa shaqooyinkii ey wariyeyaasha ka qaban jireen gudaha dalka somaliya.

Daafeet.Com