Madaxweynaha oo qudbad ka jeediyey xarunta Chatham House ee magalada London

0
29

xasanMadaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadal ka jeediyay machadka cilmi-baarista ee Chatham House ee magaalada London.

Madaxweynuhu wuxuu khudbaddiisa uga hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin: barakacayaasha gudaha, qoxootiga ku nool dalalka dariska ah, arrinta dasturka iyo federaalka, xayiraadda hubka ee saaran Soomaaliya iyo weliba dhibaatooyinka dadka Soomaaliyeed soo maray labaatankii sano ee ay jireen colaadaha.

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu ka hadlay waxbarashada, isagoo sheegay in inta badan caruurta Soomaaliyeed ee gudaha dalka ku nool aysan haysan waxbarasho, balse ay dowladdu waddo qorshayaal ay caruurtaas ay ku heli lahaayeen waxbarasho dhameystiran.

Madaxweynaha Somalia wuxuu khudbadiisa kusoo hadal-qaaday Al-shabaab, ayaa sheegay inuu jiro xiriir adag oo ka dhexeeya Al-shabaab iyo kooxda Boko Haram ee ka dagaalanta dalka Nigeria, balse aysan ogeyn wax xiriir ah oo ka dhexeeya kooxda Maali ka dagaalamaysa iyo Al-shabaab.

Mar uu ka hadlay dadka ku barakacay gudaha dalka iyo qoxootiga ku sugan dalalka dariska ah ayuu sheegay in dowladdu ay qorshayaal u dejisay ayna dhawaan maareyn doonto dadkaas.

Isagoo ka hadlayay cunno-qabteynta hubka ee saaran Soomaaliya ayuu ku celiyay dalabkiisii ahaa in Soomaaliya laga qaado cunno-qabteynta si ay dib ugu dhiso ciidamada qalabka sida, si ay ula wareegaan awoodda guud ee dalka.

Dadweynihii dhageysanayay hadallada madaxweynaha ayaa su’aalo dhowr su’aalood weydiiyay, kuwaasoo ku saabsanaa xaaladda dalka, iyadoo uu ka jawaabay madaxweynuhu dhammaan su’aalihii la weydiiyay.

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu sheegay in dowladdiia ay ka go’an tahay inay gaarsiiyaan dalka oo dhan habka federaalka ah, taasina ay ka horreyso in dastuurka isbedel lagu sameeyo si habka federaalka dalka loogu baahiyo.

Daafeet.Com