Maamulka Alshabab oo ku hanjabey iney sii wadi doonaan qaraxyada ey la beegsadaan xurumaha dowlada

0
30

alshababAfhayeenka dhinaca howlgalada u qaabilsan xarrakada Al-shabaab Sheekh C/siis Abuu-musab ayaa ku hanjabay in ay sii wadi doonaan weerarada qaraxyada ah oo ay la beegsanayaan xarumaha dowladda Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay Sheekh C/siis Abuu-muscab in weerarkii shalay uu muujinayo sida uu hadalka u sheegay taag-darrada laamaha nabad-galyada dowlada iyo awood ay Al-shabaab u leeyihiin in ay weeraraan meel kasta oo ay doonayaan.

Waxaa uu sheegay meelaha ay beegsan doonaan in ay qeyb ka tahay xarunta Xalane oo ka mid ah xarumaha amaankooda sida weyn loo adkeeyo, kuna sugan yihiin saraakiisha midowgga Africa iyo diblumaasiyiin shisheeye.

Wasiirrka warfaafinta xukuumada Soomaaliya C/llaahi Ciilmooge Xirsi oo markii uu dhinaca qaraxii shalay kadib warbaahinta la hadllay ayaa sheegay in ruuxa is qarxiyay uu ka mid ahaa dhalinyarradii horay uga soo goosatay Al-shabaab.

Daafeet.Com