Dagaal ey isaga horyimaadeen Ciidamada Dowlada iyo ku Alshabab oo ka dhacay degmada Bardaale

0
39

Dagaal aad u culus ayaa shaley gelinkii dambe waxaa uu ka dhacay degmada Bardaale ee gobolka Bay kaasoo ey isaga hor yimaadeen ciidamada dowlada iyo kuwa Alshabab

Dagaalkan oo la isku adegsanaayey hubka noocyadiisa kala duwan ayaa ilaa iyo hada Inta la ogyahay waxaa ku dhintey lex ka mid ah dhinacyadii ku dagaalamey.

Mas’uuliyiinta gobolka Bay iyo Al-shabaab ayaa mid walba wuxuu dhiniciisa sheegay inay iyagu weerarka qaadeen, iyadoo guddoomiyaha gobolka Bay uu sheegay in howgalkaas ay ku dileen sarkaal sare oo ka tirsan Al-shabaab iyo afar xubnood oo kale.

Geeseeye wuxuu hadalkiisa ku daray in sarkaalka ay ku dileen howgalka uu horay u ahaan jiray taliyeyaasha booliiska gobolka Bay, balse uu ku biiray Al-shabaab uuna hadda ahaa mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha Al-shabaab ee weli ku sugan gobolka.

Xarakada Al-shabaab ayaa dhankeeda sheegatay inay iyadu weerar ku qaaday ciidammo ka tirsan kuwa dowladda, ayna halkaas ku dishay tiro badan oo ciidammo ah, inkastoo aysan dhankeeda sheegin khasaaraha soo gaaray.

Daafeet.Com