Qaar ka tirsan cidamada Alshabab oo lagu diley Gobolka Shabeelaha Hoose

0
26

Saddex qof oo ka tirsanaa maleeshiyada Al-Shabaab ayaa shaley lagu dilay, kaddib markii koox ay la socdeen ay weerar gaadmo ah ku qaadday ciidamada dowladda Soomaaliya oo marayay deegaanka Buufow ee gobolka Shabeellaha hoose.

Ciidanka weerarka lagu qaaday oo ka yimid Muqdisho ayaa ku sii jeeday degmada Marka ee xarunta gobolka Shabeellaha hoose.

Taliyaha ammaanka ee ciidamada dowladda Soomaaliya ee magaalada Marka Cabdisalaan Maxamed Cabdulle ayaa warbaahinta u sheegay inay ciidamadu howlgal ka sameeyeen halka uu weerarku ka dhacay kaddib markii ay ku soo biireen ciidan kale oo uga soo gurmaday magaalada Marka.

Dagaaladan gaadmada ah ey soo qaadayaan alshabaab ayaa ah kuwo beryahanba ka socdey gobolka shabeelaha hoose si ey u carqaleedaan degenanta gobolka.