Islii ayaa maanta laga soo sheegayaa in ey ka jirto xaalad degenansho ah

0
38

Warar eynu ka helney Magaalada Nairobi ee dalkaasi Kenya ayaa waxa ay sheegayaan in saaka xaalada xaafada Islii ee Magaalada Nairobi ay tahay mid degan oo aan dhibaato ka jirin.

Xalay ayaa Soomaalida ku nool Magaalada Nairobi ee dalkaasi Kenya waxa ay isa saareen bandoow iskood ah oo aysan jirin cid ku amartay inay galaan bandoowgaasi balse ay ka dambeysay taasi cabsi xoogan oo soo foodsaartay Soomaalida.

Shalay oo dhan waxaa albaabada u xirnaa ganacsiga xaafada Islii oo ah halka ay ku badan yihiin dadka Soomaalida ah halkaasi oo ay ka taagneed rabshado kala duwan.

Arintani ayaa waxa ay ka dambeysay qarax bam oo lagu tuuray gaari minibus ah oo maraye xaafada Islii halkaasi oo ay ku geeriyoodeen ilaa lix ruux halka sidoo kale ay ku dhaawacmeen 15-kale.

Si kastaba arintu ha ahaatee rabshadahan ka jira keyna ayaan noqon doonin kuwo si sahal ah ku dhamaada sababtoo ah beryahan dambe waxaa Kenya kusoo badanaya qaraxyada ey maleegayaan kooxaha kasoo horjeeda Kenya taasoo mar walba laga aano goosto shacabka aan waxba galabsan.

Daafeet.Com