Inkasta oo mugdi badan uu ka jiro joogitaanka ciidamada Kenya ay joogaan ciida Soomaaliyeed ayaa waxaa hadana jira in ciidamada reer Kenya ay ku shaqeeyaan magaca ciidamada nabad ilaalinta Afrika ee AMISOM waxayna taasi ka dhigaysaa ciidamada reer Kenya sida ciidamada wadamada Burundi,Ugandha iyo Jabuuti oo kale in awaamiirta ay ku shaqeeyaan kasoo baxdo dhanka Qaramada Midoobay iyadoo loo sii maraayo midowga Afrika,
Hadaba waxaa su’aal isweydiin lihi tahay dowlada Kenya iyo Ciidankeeda jooga Soomaaliya ma yihiin kuwa ku howlgala habkan aan kor ku soo qeexnay?
Ma filaayo inay adag tahay jawaabta su’aashan kol hadii aad kor istaagto qodobadan
1-Faragelinta tooska ah ee dowlada Kenya ee ku wajahan maamul u samaynta Jubooyinka.
2-Abaabulida,hubaynta iyo adeegsiga koox beeleedka Raaskambooni.
3-Ku tagri falka awoodeed ee qaybaha ay ka taliyaan.
Dowlada Kenya ka hor inta ayan soo galin gudaha dalka Soomaaliya waxay isku dayday in ay saxiixato qaybo ka mid ah bada Soomaaliyeed taasi oo la sheegay in dano dhaqaale iyo mid istaraatiijiba ay u leedahay dowlada Kenya ha yeeshee kolkii saxiixayaasha iyo heshiiskaas ay ka hortageen waxgaradka Soomaaliyeed waxay bilowday dowlada Kenya in si toos ah ay usoo farageliso Soomaaliya kana soo talowdo xuduuda iyadoo ku doodayso inay cayrsanayso xarakada Shabaab oo nabadgelyo xumi ka wada gudaha dalkeeda kadibna waxay si gacmo ku rimis ah ku samaysay maamulkii dhintay ka hor inta aanu dhalan ee AZAANIYA ka dibna si ay u qariso duulaankeeda waxay si magac uun ah ugu biirtay AMISOM iyadoo sida la ogyahayna ayan kaba amar qaadan,
Hadaba soo galitaankii ciidanka Kenya ee Kismaayo ka dib ayaa waxaa mar qura lagu baraarugay ciidamada reer Kenya oo dabada ka riixaya maleeshiyo beeleedka Raaskambooni inay ku dhiiradaan gumaadka Shacabka reer Kismaayo oo iyaga hamuun u qabay dowlada cusub ee u dhalatay gacan iyo gaashaana u noqon doonto iyadoo ay madaxda dalka ka duulayaan aragtida reer Kismaayo ayaa waxaa magaalada booqday wafdi uu hogaaminaayay wasiirkii hore ee Gaashaandhiga iyo saraakiisha dowlada iyo kuwa AMISOM waxaana saxaafada loo sheegay in wafdigii booqday Kismaayo ay ku guulaysteen in ciidamo beeleedka Raaskambooni lagu daray ciidamada qalabka sida taasi oo maalin ka dib beeniyay Axmed Madoobe horjoogaha koox beeleedka Raaskambooni taana waxaa xigay in wafdigii labaad ee Dowlada loo diido inay magaalada galaan diidmaduna ay ka timid dowlada Kenya iyadoo waliba si aan gabaad lahayn uu ugu candacooday mas’uul reer Kenya ah oo la hadlay BBC in loo bahan yahay wafdiga ka imaanaya dowlada in ku war geliyaan ciidamada kenyaatiga ee ku sugan magaalada Kismaayo inta ayan imaan ka hor.
Hadaba amar ay dowlada Soomaaliya ka qaadato ciidamo Kenyaan ah oo jooga qaybo ka mid ah dhulkeeda ha danbeysee magaalada Kismaayo ma magaalo Soomaaliya ku taalaa mise waa mid Kenya ku taal?
Waa dhab in aan su’aashan jawaab inooga baahnayn balse madaxweyne Xasan Shiikh iyo Ra’isulwasaarihiisa Saacid ayaa waxa ay u muuqdaa kuwo gabay hawshii loo edmaday ee ahayd samata bixinta iyo difaaca ummadda Soomaaliyeed ee dagaalada iyo gaajaduba la hareen taasina waxay keentay in dalka iyo dadka Soomaaliyeed ay siday doonaan ka yeelaan wadamada ciidamada ka jooga Soomaaliya gaar ahaan wadanka Kenya welibana ay maalin cad dowlada Kenya ku dhawaaqi doonto in Kismaayo dhulkeeda ay ka mid tahay hadaan jiifka laga kicin oo ayanan jawaab waafi ah ka bixinin daandaansiga Kenya iyo indha cadayska koox beeleedka Raaskambooni.
Yasin Abicar
Daafeet.Com