Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa mar kale ka hadlay halista ay isbeddelka cimiladu ku hayso dalka Soomaaliya, isaga oo khudbad ka jeedinayey Shirweynaha 2-aad ee Cimilada Afrika oo ka socda magaalada Addis Ababa.
Madaxweynaha ayaa si cad u sheegay in Soomaaliya u baahan tahay $6.3 bilyan oo doolar si ay si buuxda uga jawaabto, ugana hortagto saameynta isbeddelka cimilada ee sii kordhaya.
Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu caddeeyay in Soomaaliya ay wajahday dhibaatooyin xagga cimilada ah sida abaaro, fatahaado iyo nabaad-guur baahsan, Dalka u baahan yahay $6.3 bilyan si loo maalgeliyo qorshayaal iyo mashaariic lagula qabsanayo cimilada, kuwaas oo ay ka mid yihiin, Xoojinta adkeysiga bulshooyinka nugul iyo Dib-u-dhiska kaabeyaasha biyaha iyo wax-soo-saarka.
Madaxweynaha ayaa xusay in Inkasta oo Soomaaliya aysan lahayn door muuqda oo keena isbeddelka cimilada, haddana ay tahay mid ka mid ah dalalka ugu nugul ee uu isbeddelku saameeyo.
