Maamulka Puntland ayaa ciidamo geysay degaano ka tirsan gobolka Sool, si ay u hor istaagto diiwaangelinta codbixiyayaasha doorashooyinka qof iyo cod ee ay dowladda federaalka iyo maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya ka bilaabeen halkaas.
Warar isa soo taraya ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan maamulka Puntland ay gaareen degmada Boocame iyo degaanka Falariyaale ee gobolka Sool, iyagoo qorshahoodu yahay inay ka hortagaan diiwaangelinta doorashada ee uu halkaas ka sameynayo guddiga doorashooyinka federaalka iyo kan maamulka Waqooyi Bari.
Degaanadan ciidamada la geeyey ayaa la sheegayaa in uu kasoo jeeda madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor, oo si cad uga soo horjeeda in halkaas laga qabto diiwaangelin.
Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa dhowaan safar ku tagay degaanadan, wuxuuna sheegay in ay qayb ka yihiin maamulka Puntland, isagoo sidoo kale halkaas ka dhagax dhigay mashaariic horumarineed oo Puntland halkaas ka hirgelinayo.
