Masar iyo Jabuuti oo oo balan qaadey iney ciidamo ku dari doonaan howlgalka xasilinta somaliya

0
347

Midowga Afrika ayaa bilaabaya hawlgalka taageerada iyo xasilinta Soomaaliya (AUSSOM) Janaayo 2025, isagoo beddelaya howlgalka ATMIS ee hadda ka jira Soomaaliya.

Waxaa la sheegay in howlgalkan cusub uu taageero gaar ah ka heli doono dowladaha Masar iyo Jabuuti, kuwaasi oo ballanqaaday inay ciidamo ku taageeridoonaan (AUSSOM).

Hawlgalka cusub wuxuu ku soo beegmayaa marxalad xasaasi ah. Dowladda Soomaaliya waxay markii hore rabtay inay si buuxda ula wareegto mas’uuliyadda amniga dalka dhammaadka sanadkan 2024.

Si kastaba ha ahaatee, iyadoo xaaladda ammaanku ay tahay mid khatar ah, u gudubka AUSSOM ayaa loo arkaa tallaabo lagama maarmaan ah si loo xaqiijiyo sii wadida iyo waxtarka dadaallada nabad ilaalinta.