Maxkamada racfaanka gobolka banaadir oo xoriyadoodii dib u siiyey laba agaasime oo loo heystey musuqmaasuq

0
506

Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir ayaa maanta oo Talaado ah go’aan ka gartay labo Agaasime oo hore oo ka tirsanaa Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, kaddib markii lagu soo eedeeyay eedeymo la xiriira musuq maasuq, iyadoo horey ugu xukuntay saddex sano oo xarig ah.

Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir, Siciid Cali Maxamed, ayaa ku dhawaaqay in aanay wax dembi ah ku helin Agaasimeyaashii hore ee Wasaaradda, C/laahi Maxamed Cali iyo Maxamed Cadde Mukhtaar, isagoo ku amray hay’adaha ay khusayso in la sii daayo oo xorriyadooda dib loogu celiyo.

Waxa uu sheegay in Maxkamadda ay ku xukuntay C/waaxid Muxsin Ibraahim saddex sano oo xarig ah.

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa horey wax dambi ah ugu weyday saraakiil ka tirsan Hay’adda Socdaalka, oo lagu eedeeyay musuq maasuq.