Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka koonfur galbeed oo xaley muqdisho lagu diley

0
97

Waxaa Xalay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya lagu dilay Xildhibaan Ibraahin Cabdi Cabdiraxmaan oo ka tirsanaa Baarlamaanka maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.

Kooxo Bastoolado ku hubeysnaa ayaa geystay dilka Xildhibaanka kuwaas oo qeybaha sare ee jirkiisa kaga dhuftay dhowr xabadood, taasoo keentay in Xildhibaanka uu ku geeriyoodo isla goobta.

Alle ha u naxariiste marxuumka ayaa la sheegay in maalmahii lasoo dhaafay uu magaalada Muqdisho u joogay howlo shaqo, waxaana geeridiisa ka tacsiyadeeyay madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.

Madaxweyne Laftagareen ayaa sheegay in dilka Xildhibaan Ibraahin Cabdi Cabdiraxmaan ay ka dambeeyaan kooxda Al-shabaab, isagona sheegay in Xildhibaanka uu ka mid ahaa dadka doorka weyn kasoo qaatay nabadda, dowlad dhiska iyo arrimaha dib u heshiisiinta bulshada reer Koonfur Galbeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here