La taliyaha arimaha dastuuska madaxweynaha Xuseen sheekh oo hadley khilaafka dowlada iyo maamulka puntland

0
84

La taliyaha arrimaha dastuurka ee madaxweynaha Soomaaliya, Xuseen Sheikh Maxamuud, ayaa sheegay, madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, inuu miiska wada xaajoodka uga maqan yahay arrimo siyaasadeed oo isaga u gaar ah.

La taliyaha madaxweyne Xasan Sheikh, waxa uu sheegay in xildhibaanadii uu soo qortay madaxweyne Deni ay iyagu gacmaha u taageen wax ka baddalka dastuurka dalka, isagoo sheegay in madaxweyne Deni uu yahay, nin u muuqda inuu isagu kaligiis isla saxan yahay.

Xuseen wuxuu sheegay arrimaha dastuurka marka la joogo in labada aqal ee baarlamaanka ay yihiin cidda iska leh awoodda arrimaha dastuurka. Wuxuu u sheegay maamul goboleedyada in ay ku kalsoonaadaan xildhibaanada labada aqal ay soo dirsadeen.

Si kastaba arintu ha ahaatee siyaasada soomaliya ayaad moodaa iney tahay mid dhan loo raaco aan laheyn waxaad arkeysaa maamul goboleed xildhibaanaduu soo dirsey go,aan u qaadey oo aan ogoleyn, mucaaradyo dhan ay ka tirsan yihiin aan la aqoon oo mar walba go,aanadii la qaado diida.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here