Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa James Swan oo u dhashay dalka Maraykanka u maagacaabay inuu noqdo Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Soomaaliya ahna Madaxa Xafiiska Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM).
Mr. Swan ayaa u shaqayn doona sidii Ergeyga Gaarka ah muddo ku meel gaar ah ka dib bixista Catriona Laing oo ahayd ergaygii Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, taasoo dhawaan xafiiska ka tagaysa, ka dib muddo hal sano ah oo ay xafiiska joogtay.
Mr. Swan waa dublamaasi waayo arag ah oo horey usoo noqday wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, iyo madaxa UNSOM ee 2019 ilaa 2022.
Magacaabistiisa ayaa ku soo aadaysa xilli ay dowldda soomaaliya ka fikirayso xiritaanka xafiiska howlaha Qaramada Midoobey ee Soomaaliya.
