Alshabab oo xaley soo weerarey saldhig ay ciidamada dowlada ku leeyihiin deegaanka sabiid

0
698

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar culus oo ay xalay maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab ku qaadeen saldhig ciidamada milatariga Soomaaliya ay ku leeyihiin deegaanka Sabiid ee goboka Shabeelaha Hoose.

Weerarka oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo dhex-maray Al-Shabaabkii weerarka qaaday iyo ciidamada dowladda ee ku sugnaa halkaasi.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaalka uu socday saacado badan, isla markaana la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, balse aysan caddeyn karin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda oo ku sugan deegaanka lagu dagaalamay ayaa shaaca ka qaaday inay iska difaaceen Al-Shabaabkii weerarka soo qaaday, ayna dib u celiyeen.