Madaxweynaha oo kulan la qaatey dhaxal sugaha dalka sacuudiga

0
76

Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan gaar ah kula qaatay dalka Boqortooyada Sacuudiga dhaxal sugaha dalkaas Amiir Maxamed Binu Salmaan Binu Cabdicasiis.

Labada hoggaamiye ayaa kulankooda uga arinsaday xoojinta iskaashiga iyo xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Sacuudiga iyo Arrimaha Dhaqaalaha, Maalgashiga, Ganacsiga, Difaaca iyo Amniga, madaxbannaanida.

Waxaa sidoo kale ay ka wada hadleen labada masuul xaalada gobolka, gaar ahaan heshiiska sharci darrada ahaa ee Itoobiya la gashay bilowgii sanadkaan maamulka Somaliland.

Boqortooyada Sacuudi Cadabiya ayaa ku tilmaamtay heshiiskaas Itoobiya ay la gashay Somaliland mid gaf ku ahaa midnimada iyo madax banaanida dhuleed ee Soomaaliya iyo waliba daris wanaaga iyo xasiloonida gobolka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here