Maamulka puntland oo kasoo horjeestey go,aankii shaley kasoo baxay dowlada federaalka

0
66

Maamul goboleedka Puntland ayaa si adag uga horymid go’aan Shalay kasoo baxay dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo ay ku amartay in lagu xiro Qunsuliyada Itoobiya ay ku leedahay magaalada Garoowe.

Warsaxafadeed Xalay saqdii dhexe kasoo baxay Madaxtooyada maamulka Puntland ayaa lagu sheegay in Puntland uusan khuseyn go’aanka kasoo baxay dowladda Fedaraalka Soomaaliya.

Puntland ayaa sidoo kale ku sheegtay Warsaxafdeedka ay soo saartay in si gaar ah ula macaamileyso dowladaha deriska ah, beesha caalamka iyo daneeyeyaasha arrimaha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here