Ciidamada dowlada oo howlgalo ka bilaabay deegaano hoostaga gobolada shabelaha hoose iyo shabelaha dhexe

0
79

Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa kordhiyay howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ee ku sugan deegaanada gobolada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe.

Ciidanka Ilaalo qaran oo ah kuwii lagu soo tababaray dalka Eretariya ee dhawaan dalka dib ugu soo laabtay ayaa maanta howlgalo qorsheysan kawada deegaano badan oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalada ayaa ciidamada si gaar ah waxay uga wadaan dhulka howdka ah ee u dhaxeeya deegaanada kala ah Maracadde, Galka saalimow iyo Garas wayne oo la sheegay iney gambaad u yihiin kooxda.

Lama soo warin wali wax khasaare ah oo ka dhashay howlgalada ay maanta ka wadaan ciidanka Ilaalo qaran deegaanada ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Dhanka kale howlgalo noocaan oo kale ah ayaa ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka saacadahii lasoo dhaafay ka fuliyeen deegaanada kala ah Daaru nicma, Ceelbacad iyo Burka fiiqey oo ah deegaano ka tirsan gobalka Shabeellaha dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here