Kenya oo sheegtey inaan dhawaan la furi doonin xadka u dhexeeya somaliya iyo kenya

0
52

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in aysan mar dhow dib u furi doonin xaduudka ay la wadaagto Soomaaliya.

Kenya waxay sheegtay inay walaac ka muujinayso saameynta amni ee ka dhalan karta howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya oo haatan gabaabsi ah.

Xoghayaha arrimaha gudaha Raymond Omollo ayaa wareysi uu siiyay Nation Africa ku sheegay in qiimeeyeen baahida loo qabo in la sugo ammaanka dalka ee dhammaan goobaha laga soo galo iyo kuwa laga baxo.

Hadalka Dr Omollo ayaa ku soo beegmaya sagaal bilood ka dib markii wasiirka arrimaha gudaha Kithure Kindiki, iyo wasiirka amniga Soomaaliya, Maxamed Axmed Sheekh Cali ay ku dhawaaqeen in dib loo furayo xuduudka ka dib wada tashiyo heer sare ah oo ka dhacay Nairobi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here