Dowlada somaliya oo soo dhaweysay go’aan maxkamada icj

0
159

Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhoweysay go’aankii ay dhawaan Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ) ku sheegtay in ay awood u leedahay in ay baaritaan ku sameyso xasuuqa Israa’iil ay ka geystay Marinka Gaza.

Dowladda Soomaaliya ayaa go’aankaan ku tilmaamtay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday isla xisaabtanka tacadiyada ka dhanka ah shacabka Falastiin.

Dowladda Soomaaliya waxay ku baaqday baahida degdegga ah ee xabbad-joojin Gaza si looga hortago khasaare kale oo naf rayid ah oo aan waxba galabsan.

Waxay hoosta ka xariiqday sida ay lagama maarmaanka u tahay in Israa’iil ay joojiso dhammaan noocyada xadgudubyada naxariis darrada ah ee ka dhanka ah Falastiiniyiinta, ayna raacdo tillaabooyinka uu qeexayo go’aanka maxkamadda ICJ.