Alshabab oo duqeyn lagula beegsadey magalada galhareeri ee gobolka galgaduud

0
153

Duqayn ay iska kaashadeen Dowladda Federaalka & Saaxiibadeed ka gacan-siiya dhinaca duqaymaha ayaa markale muddo 5 cisho gudahood lagu beegsaday Magaalada Galhareeri ee Gobolka Galgaduud Dowlad-Goboleedka Galmudug.

Qoraal kooban oo Dowladda Federaalka Soomaaliya kasoo saartay duqayntan waxa ay ku sheegtay in lagu beegsaday xubno katirsan ‘AS’ inkasta oo ay shaacisay in ay dib kasoo gudbin-doonto khasaaraha iyo xogta weerarkaan.

Dowladdu waxa ay xaqiijisay in uu weerarkaan dhacay isla markaana ay iska kaashadeen Saaxiibada Caalamiga ah ee dhinaca weerarrada Cirka ah ka gacansiiya si ay uga hortagaan qaraxyada & weerarrada waa sida ay hadalka u dhigeen.