Madaxweynaha oo sheegey ineysan jirin wax dagaal ah oo ay somaliya dooneyso iney la gasho itoobiya

0
106

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud oo wareysi uu siiyey Al-Carabiya iyo Al-xadath, ayaa sheegay in Soomaaliya aysan ku talo jirin inay dagaal la gasho Itoobiya, balse aysan ka waaban doonin inay difaacdo dalkeeda haddii loo baahdo.

Madaxweyne Xasan Sheikh waxa uu sidoo kale ku baaqay in Masar lala yeesho istaraatiijiyad wadajir ah si loo wajaho khatarta guud.

Mar uu soo hadal qaaday dagaalka ka dhanka ah argagixisada, madaxweynuhu wuxuu sheegay in kooxda Al-Shabaab ay dhallinyarada Soomaaliyeed kusoo jiidanayaan carada ay ka qaadeen heshiiska Itoobiya iyo Somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu sidoo kale ka digay in Itoobiya aysan kaliya duullaan ku ahayn badda Soomaaliya, balse ay sidoo kale duullaan ku tahay dhulkeeda. Taasoo madaxweynuhu ku tilmaamay mid aan weligeed dhici doonin.