Madaxweynaha dowlada federaalka oo maanta kulan la qaatey madaxweynaha dalka masar

0
135

Madaxweynaha dalka Masar Abdel Fattah El-Sisi ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayga oo ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal iyo xaaladda Gobolka.

Bayaan uu soo saarey afhayeenka madaxtooyada Masar ayuu ku sheegay inay labada hoggaamiye ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal iyo sidii kor loogu qaadi lahaa xaaladda gobolka.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh iyo madaxweynaha dalka Masar Abdel Fattah El-Sisi, ayaa la filayaa inay maanta kasoo wada muuqdaan war murtiyeed ay jeedinayaan kulankooda kadib.

Wafuuda madaxweyne Xasan Sheikh waxaa kamid ah mas’uuliyiin dhowr ah oo uu ka mid yahay Wasiirka Gaashaandhigga.