Madaxweyne somaliya oo ku gacan seyrey dalab uga yimid reysulwasaraha itoobiya

0
123

Dowladda Soomaaliya ayaa ku gacan sayrtay dalab uga yimid dawladda Itoobiya oo ahaa inay labada waddan kulmaan oo ay ka wada hadlaan sidii loo damin lahaa xiisada ka dhex aloosan.

Sida lagasoo xigtay ilo katirsan wasaaradda arrimaha dibbada Soomaaliya, raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa doonaya inuu la kulmo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh, si ay labada hoggaamiye is-fahan uga gaaraan xiisadda siyaasadeed ee ka dhalatay heshiiska Itoobiya ay Somaliland la sixiixatay.

Xog sidoo kale lagasoo xigtay madaxtooyada Soomaaliya, ayaa sheegaysa in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu iska diiday codsigii ka soo gaaray dhinac xafiiska ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

Ra’iisul wasaare Abiy Axmed ayaa ka dalbaday madaxweyne Xasan Sheikh in wadahadal uu la galo, hase yeeshee madaxweynaha Soomaaliya ayaa shardi ku xiray in marka hore Itoobiya ay ka laabato heshiiskii ay la gashay Somaliland ka hor inta uusan dhex marin wax wadahadal ah.