Lafta gareen iyo Axmed madoobe oo neyroobi ku yeeshay kulamo xasaasi ah

0
111

Waxaa magaalada Nairobi shirar xasaasi ah ku leh maalmahan Madaxweynayaasha maamul goboleedyada jubaland iyo koonfur galbeed kuwaa oo ka shiray damaca Itoobiya ay ku dooneyso badda Soomaaliya.

Saacadihii lasoo dhaafay waxey kula kulmeen diblomaasiyiin ka soo jeeda dalal intooda badan Itoobiya ku taageersan damaca ay ku raadineyso badda Soomaaliya.

Inkastoo dowladda federaalka aysan weli go’aan ka soo saarin xiriirka la sheegay in maamul goboleedyada qaar ay si hoose ula sameysanayaan Itoobiya, hadana waxaa isasoo taraya carada dadweynaha Soomaaliyeed ee ka gilgishay damaca Itoobiya ay ku raadineyso badda Soomaaliya.

Axmed Madoobe iyo Cabdicasiis Laftagareen ayaa kulamo gaar gaar ah oo xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya ku saabsan Nairobi kula yeeshay diblomaasiyiin u badan safiirro ay dalalkoodu Itoobiya ku garab taagan yihiin damaceeda badda Soomaaliya.

Xogaha la helayo waxay sheegayaan in Laftagareen iyo Axmed Madoobe ay Nairobi ku tageen qorshe ay wadato Itoobiya, isla markaana ay halkaas kula kulmeen xubno ka socda dowladda Itoobiya, si ay kaga qeyb qaataan dhaqan gelinta heshiis beenaadkii uu Muuse Biixibadda ugu soo saxiixay Itoobiya.

Madaxweynayaasha K/Galbeed iyo Jubbaland ayaa la sheegay inay wataan damac xasaasi ah, kaas oo ah inay Itoobiya garab uga rabaan sidii ay u sii joogi lahaayeen xukunka, halka Itoobiyana ay dooneyso inay damaceeda ku fushato iyadoo isticmaaleysa awoodooda.