Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa maanta gaaray degmada Doolow ee gobolka Gedo.
Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee degmada Doolow ku soo dhaweeyey madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee maamul-goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan, masuuliyiin ka tirsan dowlad-goboleedka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Doolow.
Socdaalka ra’iisul wasaaraha ayaa sallka ku haya kormeer uu ugu kuur galayo xaaladda bini’aadantinimo ee ka dhalatay roobabka daadadka wata ee ka da’ay qeybo kamid ah gobolka Gedo, gaar ahaan degmada Doolow, oo biyuhu ay wada gaareen, si weyna u saameeyeen.
Wararka ayaa intaasi kusii daraya in ra’iisul wasaaruhu uu usii gudbi doono degmooyinka kale ee gobolka, oo ay iyana ka jiraan xaalado bini’aadanimo oo aad u daran.
Gedo ayaa kamid ah meelaha ugu daran ee ay haatan ka jiraan dhibaatooyinka ka dhashay xaaladda El-Niño, maadaama daadad xoogan yo fatahaado ay iskugu darsameen gobolkaasi.
