Madaxweynaha maamulka koonfur galbeed oo xafiiskiisa kulan kula qaatey safiirka dalka ingiriiska u qaabilsan arimaha somalia

0
238

Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka UK u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Michael Nithavrianakis oo gaaray magaalada Baydhaba.

Kulanka oo ka dhacay Xarunta Madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa waxaa looga hadlay xaaladda adag ee ka taagan maamulkaas, gaar ahaan daadadka ku dhuftay Baydhaba.

Sidoo kale waxaa kulankan goobjoog ahaa wasiirada qorshaynta, cadaaladda, gargaarka iyo howlaha guud, ayada oo la’isaga wareystay saameynta ka dhalatay fatahaadda.

Waxaa sidoo kale kulankan lagu soo qaaday diyaar garowga wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee la filayo inuu dhawaan ka billowday Koonfur Galbeed.

Danjiraha dalka Ingiriiska ee Soomaaliya oo madasha ka hadlay ayaa dhankiisa adkeeyay in socdaalkiisa Baydhaba uu la xiriiro sidii dowladdiisa ay kaalin ugu qaadan lahayd ugurmashada dadka uu saameynta ku yeelatay tatahaadda biyaha iyo sidii ay u taageeri lahayeen dadaalka maamulka Koonfur galbeed ee daadejinta adeegyada dowladda.