Ciidamada dowlada oo howlgalo ka sameeyey deegaano ka tirsan degmada buula burde

0
318

Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo garab ka helaya saaxiibada caalamiga ah ayaa howlgal qorsheysan ka sameeyay aroornimadii hore ee saakay deegaanka Mukayle oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Buula burte ee gobolka Hiiraan.

Warar qoraal ah oo kasoo baxay dowlada somaliya ayaa lagu sheegay in howlgalka ka dhacay deegaanka Mukayle lagu beegsaday Garaash wayn oo ku yaala gudaha deegaankaas oo la tilmaamay in kooxdu ay ku diyaariyaan qaraxyada, islamarkaana lagu burburiyay gaadiid lagu diyaariyay qaraxyo.

Qoraalka kasoo baxay dowladda Fedaraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay iney jiraan khasaaro kale oo gaaray kooxda Al-shabaab, islamarkaana dowladda ay dib kasoo gudbin doonto khasaaraha rasmiga ah ee kasoo gaaray Ururka Al-shabaab weerarkaan ka dhacay deegaanka Mukayle ee gobolka Hiiraan.