Madaxweynaha maamulka jubaland oo maamul cusub u magacaabay gobolka gedo

0
365

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Axmed Madoobe ayaa maamul cusub u magacaabay gobolka Gedo oo dhowrkii sano ee lasoo dhaafay ka madax banaana maamulkiisa.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa u magacaabay guddoomiyaha gobolka Gedo Cabdullaahi Cabdi Jaamac, halka guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadana uu u magacaabay Cismaan Nuur Xaaji Macalimuu, waxaana sidoo kale guddoomiye ku xigeenka Maaliyada gobolka Gedo loo magacaabay Nasteex Axmed Saalax.