Reysulwasaare Xamsa oo magacaabey gudi ka kooban 9 xubnood oo ka shaqeyn doona qabanqaabada maalmaha xoriyada

0
287

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta magacaabay guddi cusub.

Guddigan cusub ayaa waxa uu ra’iisul wasaaraha u xil-saaray qaban-qaabada xuska sanad-guurada 63-aad ee maalmaha xorriyadda, kuwaasi oo ka kooban siddeed wasiir iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.

“Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre oo garowsan qiimaha iyo mudnaanta ay leedahay sanad guurada 63-aad ee Gobannimada, Midnimada iyo dhalashadii Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa waxa uu magacaabay Guddiga Qaban-qaabada Xuska Sanad guurada 63aad ee maalmaha xorriyadda,” ayaa lagu yiri wareegto kasoo baxday xafiiska ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Guddigan cusub ayaa waxaa guddoomiye ka ah wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta Axmed Macallin Fiqi.

Sidoo kale waxaa xubno ka ah; wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Daa’uud Aweys Jaamac, wasiirka amniga gudaha Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe), wasiirka maaliyadda Dr. Cilmi Maxamed Nuur, wasiirka dhallinyarada iyo ciyaaraha Mudane Maxamed Maxamuud Barre iyo wasiirka haweenka iyo xuquuqul insaanka Marwo Khadiija Maxamed Diiriye, wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Biixi Iimaan Cige, wasiirka xannaanada xoolaha, dhirta iyo daaqa Xasan Xuseen Maxamed iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale).