Gudoomiyaha baarlamaanka oo kulan la qaatey safiirka talyaaniga Alberto Vecchi

0
398

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa waxaa uu maanta xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dalka Taliyaaniga Amb. Alberto Vecchi.

Kulanka Guddoomiyaha iyo safiirka dalka Taliyaaniga ayaa looga hadlay xiriirka labada dal, Danjiraha ayaa Guddoomiyuhu u soo gudbiyay dhambaal uu ka siday Baarlamaanka dalkiisa ee ku aaddanaa wadashaqeynta labada baarlamaan, isagoo xaqiijiyay in Soomaaliya ay kala shaqeyn doonaan deyn cafinta iyo shuruucda muhiimka u ah dalka.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa uga mahadceliyay Dowlada Taliyaaniga garab istaaga Dowlada Soomaaliya Iyo sida ay qeyb uga qaadanayan la dagaallanka argagaxisada iyo deyn cafinta.