Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan dagaal xooganaa oo Ciidamada xooga dalka iyo Daraawiishta Jubbaland oo iskaashanaya iyo alshabaab ku dhexmaray degaanka Baar-sanguuni ee gobolka Jubbada hoose.
Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Xubno katirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhigga Ciidamada oo degaanka Baar-sanguuni oo kamid ah degaannada hoostaga Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.
Saraakiil katirsan Ciidamada xoogga dalka ayaa waxa ay u sheegeen Warbaahinta Ciidamada qalabka sida inay ka hortageen ayna fashiliyeen weerarkii ka yimid dhinaca Al-Shabaab, sidoo kalena khasaaro xoogana ay ku gaarsiiyeen Al-Shabaab dagaalkii ay la galeen.
Sidoo kale waxaa ay sheegeen Saraakiisha in ciidamada oo ka war hayay isku dayga Al-Shabaab ay fashiliyeen weerarkoodii isla markaana Xubno badan looga dilay goobta gaadiid dagaalna looga gubay.
