Maamulka galmudug oo heshiis dhul ku wareejin ah la galey ku simaha ergeyga gaarka ah ee qaramada midoobey

0
358

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor) ayaa maanta heshiis dhul loogu asteeyay Xafiiska Qaramada Midoobay la saxiixday kusimaha Ergeyga Gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Kiki Gbeho.

Munaasabadda Saxiixa heshiiskaan oo ka dhacday Qasriga Madaxtooyada Galmudug ayaa waxaa goob joog ahaa xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Galmudug, Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud iyo maamulka caasimadda.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay booqashada wafdiga ay hogaamineyso Ku simaha Ergeyga Gaarka ah iyo sida ay Qaramada Midoobay uga go’antahay inay xarun rasmi ah ka sameysaan caasimadda Dhusamareeb.