Xoghayaha guud ee urur goboleedka igad oo ka hadley doorka Ismaaciil Cumar Geele kaga jira dhexdhexaadinta colaada laascaanood

0
332

Xoghayaha Guud ee Urur Goboleedka IGAD Workneh Gebeyehu ayaa war cusub ka soo saaray xaaladda kacsan ee weli ka jirta gudaha Laasacaanood, gaar ahaan xiisadda u dhexeysa ciidanka Somaliland iyo dadka deegaanka.

Workneh Gebeyehu ayaa ugu horreyn shaaca ka qaaday in IGAD ay ka walaacsan tahay xaaladaha murugan ee laga soo warinayo magaaladaas oo ku taalla waqooyiga Soomaaliya.

Xoghayaha ayaa soo hadal qaaday door nabadeed oo uu sheegay in madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle uu ku leeyahay xiisadda taagan, si xal waara loogu helo.

Waxa kale oo uu sheegay inay ku boggaadinayaan madaxweyne Geelle dhex-dhexaadinta uu ka dhex wado labada dbhinac.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in loo baahan yahay in fiiro gaar ah loo yeesho arrinta ka jirta magaalada Laascaanod, si xal loogu helo xasaradda ka taagan magaaladaasi.