Gudoomiyaha aqalka sare oo ka hadley xiisada ka taagan magalada laascaanood

0
542

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya oo shir jaraa’id qabtay ayaa Somaliland u diray fariin la xariirta xiisada maalinkii 8-aad ka aloosan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Guddoomiyaha ayaa nasiib darro ku tilmaamay in dadka Soomaaliyeed aysan waxba ka baran wixii taariikh madow soo maray, isagoo xusay in 45 sano oo dagaal ah ay Soomaalidu soo martay.

Cabdi Xaashi ayaa Somaliland iyo reer Laascaanood u diray baaq ka kooban seddax qodob oo kala ah:

1 – Somaliland waxaan u soo jeedinayaa in dad shacab ah oo banaanbax sameynaya in xabado lagu furo waa arrin qaldan, waana in la joojiyo.

2 – Dadweynaha reer Sool waxaan leeyahay mudo dheer ayaad nabad heysateen, waana ku amaanantihiin, laakiin mudaharaad wax burburinaya ma fiicna ee halaga joogo.

3 – Waxaan ugu baaqayaa dhinacyada in la wada fariisto, la wadahadlo oo heshiis lagu gaar, sida uu xalku ku jiro.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa 3-daas qodob hor dhigay Somaliland iyo dadka reer Sool, isagoo baaq guud u diray guud ahaan Soomaalida.