Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa mar kale hoygiisa kulan kula qaatay siyaasiyiinta golaha badbaadada koonfur galbeed, waxaana laga wada-hadlay arrimaha dib u heshiisiinta maamulkaasi.
Guddoomiyaha iyo Siyaasiyiinta ayaa kulankan iskula qaatay in mucaaradka uu ka qeyb-galo gogosha 5-ta Janaayo taalla magalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed, si madashaas ay u noqoto mid loo dhan yahay.
Isfahamka ay gaareen dhinacyada ayaa yimid kadib markii laga wada-hadlay saluugi ay horay uga muujiyeen shirka dib u heshiisiinta, arrimahaas oo qaarkood laga wada heshiiyay, halka kuwa kalena la sheegay in shirka lagu xalin doono.
Siyaasiyiinta ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay shaqaaqadii toddobaad ka hor ka dhacday Baydhabo, ayaga oo dalbaday in guddoomiyaha uu ka shaqeeyo gacan kusoo celintooda guryihii ay waxyeelada ka soo gaartey shaqaaqadaas.
