Wefdi uu hogaaminaayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta gaaray degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellada dhexe oo ka mid ah magaalooyinka ugu muhiimsan ee dhawaan laga saaray Al-Shabaab.
Wefdiga ayaa waxaa si weyn ugu soo dhaweeyay magaalada Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle iyo ku xigeenkiisa, saraakiisha ciidanka xildhibaanno heer Qaran iyo heer deegaan ah iyo shacabka Reer Aadan yabaal oo isu soo baxay.
Ra’iisul wasaaraha ayaa kulamo la qaadan doona saraakiisha ciidanka iyo bulshada qeybaheeda kala duwan, isaga oo kala hadli doona sidii loo dardar gelin lahaa howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab si guud ahaan Gobolka Shabeellaha dhexe looga saaro meelaha ay ka joogaan Al-Shabaab.
