Gudoomiyaha baarlamaanka oo maanta kulan la qaatey odayaasha dhaqanka degmada xudur

0
506

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kulan la qaatay odayaasha dhaqanka Degmada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool.

Golaha odayaasha dhaqanka ee Gobolka Bakool ayaa Guddoomiyaha warbixin ka siiyay xaalada deegaanka oo ay dhaqanku sheegeen inay aad u cakiran tahay, dhammaan magaalooyinka iyo deegaannada gobolka ay ku sugan yihiin Al-Shabaab ayaa Dowladda Federaalka ka codsaday in gacan laga siiyo la dagaallanka Al-Shabaab.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa duubabka dhaqanka Gobolka Bakool ku ammaanay dadaalada ay ku doonayaan inay in Al-Shabaab isaga xorreeyaan si dadka deegaanka iyo gobolka uu u helo nabad iyo xasilooni.

Gabagabadiikulanka ayaa gudoomiyaha waxaa uu odayaasha la wadaagey in Dowladda Federaalka ay ka go’antahay la dagaalanka Al-Shabaab Isla markaana ay gacan ka siineyso xureynta deegaanada ay kaga sugan yihiin Gobolka Bakool.