Alshabaab oo lagala wareegay dhowr tuulo oo hoostagta degmada balcad

0
495

Ciidamada xoogga dowladda Soomaaliya ayaa howlgalo qorsheysan kula wareegay deegaano cusub oo hoostaga degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe.

Deegaanada cusub ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed la wareegeen saacadahii lasoo dhaafay ayaa kala Jamceeco Misra, Maqdis, Baardheere, Gaashaanle, Tugaareey, Jameeco Mubaarak, Doonka Maxaa Colow iyo Maansaale, kuwaas oo dhamaatood ku yaala bariga degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe.

Kornel Cismaaciil Xaadoole oo ah mudane ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in howlgalada ay weli ka wadaan gobolka Shabeellaha Dhexe, islamarkaana ay gacanta ku dhigeen 30 Xubnood oo ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Howlgalada ciidamada dowladda ay ka wadaan deegaanada hoostaga degmada Balcad waxaa qeyb ka ah ciidamo ka tirsan kuwa howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS, gaar ahaan kuwa ka socda dalka Burundi, waxaana inta badan deegaanada ay la wareegeen ay ahayeen kuwa ay isaga sii baxeen Al-shabaabkii horay ugu sugnaa.