
Madaxweynaha Kenya ayaa sheegay in dhigiisa Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu muujiyay sida ay uga go’an tahay la dagaalanka kooxda Al-Shabaab.
Wareysi uu siiyay Telefishinka France 24, ayuu Ruto ku amaanay hogaamiyaha cusub ee Soomaaliya doorka uu ka qaatay dadaalada lagu xakameynayo qatarta kooxda Alshabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya.
Mar wax laga weydiiyey inuu qorsheynayo inuu ciidamada Kenya ka soo saaro Soomaaliya, wuxuu yidhi,” Ciidamadaas waxay dib ugu soo laaban doonaan dalkooda isla marka aan dhammeyno howsha aan u hayno Soomaaliya.”
Hadalka madaxweynaha Kenya ayaa kusoo beegmaya todobaadyo kadib markii Al-Shabaab ay sheegtay inay weeraro kale ka geysan doonto gudaha dalka Kenya, hadii madaxda dalkaasi ay iska dhaga tiraan dalabaadkooda ku aadan in ciidamada Kenya laga saaro Soomaaliya.