Alshabab oo in ka badan 72 ciidan looga diley dagaalada ka socda gobolka hiiraan

0
432

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in in ka badan 100 ka tirsan Alshabaab lagu dilay howlgalo 72-kii saac ee lasoo dhaafay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ay ka fuliyeen tuulooyinka Yasooman iyo Aboorey ee gobolka Hiiraan.

Dowladdu waxay sheegtay inay howlgalkan taageerayeen dadka deegaanka iyo duqaymo dhanka cirka ah oo ay fuliyeen ciidamada Mareykanka ee saaxiibka la ah Soomaaliya.

Waa howlgalkii ugu ballaarnaa ee Shabaabka ka dhan ah ee dowladdu fuliso. Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa dhawaan ku goodiyay in Alshabaab lagu qaadidoono weerar dhul iyo cir ah.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa sheegay in hal sano kadib Shabaab iyo Daacish laga weyn doono dalka. Wuxuuna sheegay inay meel kasta ugu galidoonaan, si buu yiri dhibaatadooda dadka looga dulqaado.