Wasiirka arimaha gudaha oo kulan la qaatey odayaasha dhaqanka maamulka galmudug

0
506

Wasiirka arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa Maanta kulan wadatashi ah la yeeshay Odeyaasha dhaqanka ee maamulka Galmudug oo uu kala hadlay kaalintooda la xiriirta dib u heshiisiinta, xasilinta deegaanada laga xoreeyey Alshabaab iyo ka feejignaanta qorsheyaal ay ku doonayaan iney isaga hor keenaan beelaha Soomaaliyeed.

Wasiirka Fiqi ayaa sheegay in kooxda Al-shabaab ay dooneyso in dagaalada lagula jiro oo noqday kuwa xoogeystay iney marin habaabiyaan oo ay diyaarsadeen qorsheyaal ay qoorta isugu galinayaan beelaha oo ay ka dhigayaan in dagaalka beel ku duushay deegaanka beel kale.

Qoraalka kasoo baxay xafiiska wasiir arrimaha gudaha ayaa sidoo kale lagu sheegay inuu jiro shirweyne ay isugu iman doonaan reer Hirshabelle iyo reer Galmudug, kaasoo lagu qaban doonno magaalooyinka Baledweyne ama Dhuusamareeb mid kood, waxaana odeyaasha uu wasiirka ka dalbaday in ay kaalintooda ka qaataan arrimaha socda.

Odeyaasha dhaqanka Galmudug oo kulanka ka hadlay ayaa dhankooda sheegay in ay diyaar u yihiin halganka ka dhanka dagaalamayaasha Al-shabaab, waxayna wasiirka hordhigen qorshahooda la xiriira arrinkan, iyagoona wacad ku maray in ay huri doonaan naf iyo maalba.

Gabagabadii waxaa qoraalka lagu sheegay in kulamada watashiga ah ee uu la leeyahay wasiirka arrimaha gudaha odeyaasha dhaqanka inuu ballaarin doono oo ay ku xigi doonaan odayaasha dhaqanka maamulada Hirshabelle, Koonfur galbeed iyo Jubbaland.