
Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaralka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa booqday xerada Lamagalaay oo ku jiraan ciidamo dheeraad ah oo loo diyaariyay ka qeybqaadashada howlgalada ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay kula dagaalamayaan Al-Shabaabka ku sugan gobolka Hiiraan.
Raysal wasaare Xamse ayaa sheegay in Xukuumaddiisa ay wax ka qabaneyso baahiyaha ay soo gudbiyeen saraakiisha ciidanka dowladda Federaalka ee howlgalada kawada gobolka Hiiraan, isagoona ku bogaadiyay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Kuwa deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda howgalada ay kula dagaalamayaan Shabaab.
Raysal wasaare Xamse ayaa Saraakiisha hoggaamineysa ciidanka kula dardaarmay ineysan joogsan howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab inta ay gacanta ugu dhigayaan deegaannada Al-Shabaab ay ka joogaan gobolka Hiiraan.
Booqashada Raysal wasaaraha Soomaaliya uu shalay Baledweyne ku tagay ayaa imaaneysa kadib markii ciidamada dowladda oo gacan ka helaya kuwa deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleey mudo ka badan laba bilood ay Al-shabaab kula dagaalamayeen deegaanada u dhaxeysa magaaloyinka Baledweyne, Matabaam iyo Maxaas, islamarkaana ay ku guuleysteen iney Shabaab ka qabsadaan deegaano badan.
