Wasiirka gaashaandhiga oo booqdey goobo ay dhawaan la wareegeen ciidamada dowlada

0
572

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur oo uu wehlinayo Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Jenaraal Odawaa Yuusuf iyo saraakiil kale ayaa kormeer ku tagay deegaano dhinaca Koonfureed kaga beegan magaalada Baledweyne oo dhawaan ciidanka dowladda fariisimo ka sameysteen.

Wasiirka Gaashaandhiga ayaa ku bogaadiyay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleey howlgalada maalmahii lasoo dhaafay sida dardarta leh ay uga wadeen deegaanada u dhaxeeya Baledweyne, Matabaan iyo Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Gabagabadii wasiirka Gaashaandhiga ayaa sheegay in ciidamada dowladda looga baahan yahay in ay gutaan waajibaadkii ay u dhaarteen, Isla markaana aysan ogolaan in Al-Shabaab ay sii heystaan meelo ka mid ah dalka dadkana ay ku dhibaateeyaan.

Booqashada uu wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya ku tagay fadhiyada ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee ku sugan deegaanada dhaca Koonfurta Baledweyne ayaa kusoo beegmeysa, kadib markii ciidamada iskaashanaya howlgalo dhiig badan uu ku daatay ay kula wareegeen degaano dhowr ah oo horay gacanta ugu jiray dagaalamayaasha Al-shabaab.