
Ciidamo hubeysay oo ka tirsan Ha’ada Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa fuliyay qorshaha hawlgalka ka dib markii ay heleen war sugan oo sheegaya in ay jirto halis amni oo ku wajahan shacabka, taasoo u baahan in laga hortago ayaa sidoo kale lagu yiri” Warka NISA.
Howlgalka hore wuxuu ka dhacay Degmada Hiliwaa ee Gobolka Banaadir, wuxuuna ahaa mid amniga lagu xaqiijinaayay oo ay hareer socotay baaris dadka iyo gaadiid lagu samaynayay.
Waxaa xigay howlgal kale oo laga sameeyay Degmada Kaxda, waxaana lagu soo qabtay walxo la doonayay in lagu khalkhal galiyo ammaanka Caasimadda iyo shacabka ku dhaqan.
Howlgaladan oo qaatay saacado ayaa ku soo dhammaaday sidii loo qorsheeyay, iyadoo aysan dhicin qasaare ka dhashay sida lagu sheegay War kasoo baxay taliska Hay’adda NISA ee Gobolka Banaadir.