Qaar ka tirsan wadooyinka magalada muqdsho oo maanta xiran

0
327

Waxaa saaka xiran qaar ka mid ah wadooyinka muhiimka u ah isku socodka magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, halkaas oo lagu arkayo ciidamo fara badan oo Booliis ah iyo gadiidka dagaalka noocyadiisa kala duwan.

Wadooyinka xiran saaka waxaa ka mid ah Maka Almukarama, Isbitaalka xoogga, Isgoysyada lamabar afar, Soobe iyo wadada 21-ka Oktoobar ee magaalada Muqdisho.

Dadka shacabka ah ee ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa saaka lugeynaya laamiyada u xiran ciidanka dowladda Soomaaliya, mana jiraan wax gaadiid dadweyne ah oo shaqeynaya, marka laga reebo gaadiidka wada ardada iyo kuwa dowladda Fedaraalka Soomaaliya.

Majirto wax faahfaahin oo kasoo baxay laamaha amaanka dowladda Soomaaliya oo ku aadan sababta loo xiray wadooyinka muhiimka ah, walow la hadal hayo in loo xirey u diyaar garowga xaflada caleema saarka madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo lagu wado in Muqdisho ka dhacdo maalinta Khamiista ee socota.